Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay gantaal cusub

Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa maanta oo khamiis ah sheegtay inay ku guulaysatay tijaabinta gantaal cusub oo loo adeegsado dhanka biyaha kaasi oo loo yaqaano (SLBM).
Xukuumadda Pyongyang ayaa intaasi ku dartay in tallaabadan ay tahay mid lagama maarmaan ah si la isaga difaaco waxa ay ugu yeertay halista uga imaanaysa dibadda.
Arrintan ayaa ku soo aadaysa maalmo un ka hor xilliga la qorsheeyay in dowladaha Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ay yeeshaan wada hadalo ku saabsan hubka nukliyeerka.
Dadka falanqeeya arrimaha hubka ayaa sheegaya in tallaabadan ay qaadday Kuuriyada Waqooyi ay ku muujinayso inay weli awood leedahay oo ayna barnaamijyadeeda nukliyeerka sii xoojisay.
Madaxweynaha dalkaasi Kim Jong Un ayaa fariin boogaadin ah u diray saaynisyahaanada tijaabada sameeyay sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee KCNA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here