La-taliyaha Amniga ee wadanka maraykanka oo eedeyn u jeediyay Iran

La-taliyaha Amniga Qaranka, ee dalka Maraykanka John Bolton ayaa sheegay in Iran ay mas’uul ka ahayd weeraro horaantii bishan lagu qaaday maraakiib mareysay xeebta dalka Imaaraadka Carabta.
Bolton ayaa warkan saxaafadda ugu sheegay magaalada Abu Dhabi oo uu u joogo wada-hadallo amni oo uu ugu yeeray .
Iran ayaa horey u beenisay inay mas’uul ka tahay weeraradaas.
Xiisadda ka dhex taagan Iran iyo Mareykanka ayaa kasii dareysay toddobaadyadii ugu dambeeyay kadib markii madaxweyne Trump uu ku dhowaaqay inuu doonayo inuu meesha ugu hooseyso geeyo saliidda Iran ay dhoofiso, oo dhaqaalaheeda uu ku tiirsan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here