La taliyihii hore ee Trump oo xabsi la dhigay

Former advisor to the US president and US publicist Steve Bannon poses during a photo session in Paris on May 27, 2019. (Photo by JOEL SAGET / AFP) (Photo credit should read JOEL SAGET/AFP via Getty Images)

La-taliyihii hore ee Aqalka Cad Steve Bannon ayaa la xiray Khamiista iyada oo lagu soo eedeeyay in isaga iyo saddex kale ay si sharci darro ah lacag uga qaateen deeq-bixiyeyaasha barnaamijka olole aruurinta khadka tooska ah ee “Waxaan Dhiseynaa Darbiga”.
Eedeymaha ayaa la hor geeyay maxkamadda federaalka Manhattan.
Dacwad oogayaasha dowladda dhexe ayaa ku eedeeyay Bannon iyo seddex kale inay “abaabuleen qorshe lagu khiyaameynayo boqolaal kun oo deeq bixiyeyaal ah” oo lala xiriirinayo olole lacag aruurin ah oo internetka laga aruurinayay oo in ka badan $ 25 milyan lagu dhisayay darbi ku teedsan xadka koonfurta Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here