Laamaha ammaanka oo garoonka diyaaradaha JKIA ku qabtay khaad la dhoofinayay

Saraakiisha amaanka ee garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha Jomo Kenyatta (JKIA) ayaa qabtay shixnad khaad ah oo lagu soo dhex qariyay kartoono ay ku jirtay digir taas oo la doonayay in la dhoofiyo.
Saraakiishan ayaa waxay qabteen gaari nooca loo yaqaan ‘Airways Cargo Export’ oo siday 150 kartoon oo ay ku qoran tahay Fine Bean iyo Ravaya.
Laamaha ammaanka oo si weyn kormeer ugu sameeyay waxyaabaha dalka laga dhoofiyo ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan arrintan.
Eedeysanayaasha loo qabtay dhoofinta sharci darada ah ee khaadka ayaa magacyadoodu lagu kala sheegay Ahmed Habib, James Ngure, Duke Mutambo, Raphael Ngotho, Stephen Ngugi iyo Julius Mulwa .
Dhamaantooda waxaa lagu wada in maxkmadda la soo taago maanta si ay u wajahaan eedeymo ka dhan ah dhoofin waxyaabo aan sharci ahayn.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa gagada caalamiga ah ee diyaaradaha dalka lagu qabtay maandooriyaal kala duwan kuwaas oo loo xiray dadkii doonayay inay dalka ka bixiyaan ama soo galiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here