Laanta Konfur Africa ee Musuqmasuqa oo shegeyso in Madaxweyne Ramaphosa uu ka been sheegay lacag la siiyay

Hay’ada la dagaahsa falalka musuq masuqa ee dalka Konfur Africa ayaa waxay sheegeysa in madaxaweynaha dalkasi Cyril Ramaphosa uu been ka sheegay lacag dhan 500,000 oo u dhiganta 35,600 oo doolarka Maraykanka.
Lacagtaasi oo u helay xiligii uu ku guda jiray ololaha doorashada xisbiga ANC.
Ramaphosa, ayaa waxa uu xilka kala wareegay madaxweyne Jacob Zuma sanadkii tagay ka dibna wuxuu ku guulesystay doorashada xilka madaxtinimada,asaga oo balan qaaday inuu la dagaalayo falalka musuqmaasuqa.
Madaxwweyne Ramaphosa ayaa beeniyay inuu wax ka ogyahay lacagtas ka dib markii ay barlamanka dlakaasi weydiiyeen sanadkii tagay bisahii November.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here