Laba dacwadood oo laga gudbiyay ku xigeenka madaxa cadaaladda ee dalka

Waxaa guddiga adeegga garsoorka ee JSC loo gudbiyay laba kiis oo ka dhan ah ku xigeenka madaxa cadaaladda ee dalka Mrs. Philomena Mwilu.
Dacwadahan ayaa waxaa geeyay laba qof oo lagu kala magacaabo Alexander Mugane iyo Peter Kiriki.
Waxay doonayaan in Mrs. Mwilu si ku meel gaar ah shaqada looga istaajiyo kaddibna la soo saaro guddi baaritaano ku sameynayo habdhaqankeeda.
Sido kale dadka dacwadda geeyay ayaa ku doodaya in maadaama 5 garsoore ay isku raaceen inay wax ku ool yihiin eedeymo Mwilu loo soo jeediyay oo ku saabsan musuqmaasuqa sidaasi awgeedna baaritaano lagu sameyn karo, tallaabada xigta ee loo baahan yahay in la qaado ay tahay inay shaqada dhinac uga istaagto.
Mr. Mugane ayaa guddiga adeegga garsoorka ee JSC u sheegay inuu qabo dareen ah in Mrs. Mwilu oo ka sii mid ahaato garsoorayaasha maxkamadda ugu sarreysa dalka ee Supreme Court ay xadgudub ku tahay shuruucda dastuuriga ee wadanka u degsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here