Laba gabdhood oo lagu faraxumeeyay Fino

Xildhibaanka deegaanka Lafey ee ismaamulka Mandera Cabdi Mude Ibraahim ayaa cambaareeyay fal kufsi ah oo degmada Fino loogu gaystay laba gabdhood oo yaryar.
Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in gabdhahaas hadda lagu daaweynaya isbitaalka weyn ee Mandera.
Mudanaha ayaa xusay in iyadoo uu jiro fayraska corona ee dalka iyo dunidaba saameeyay in haddana dhanka kale ay weli falal dambiyeedyo dhacayaan.
Sido kale waxaa uu hoosta ka xarriiqay in saraakiisha ammaanka ay raadinayaan dadka kufsigaas lagu tuhmayo.
Mudanaha ayaa sheegay inuu ciidamada ammaanka ka dalbaday inay gacanta ku soo dhigaan dambiilayaasha si tallaabo sharciyeed looga qaado.
Waxaa uu dhanka kale caafimaad degdeg ah u rajeeyay gabdhaha dhibaatada lagula kacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here