Laba haween oo Kenyan ah oo laga soo daayay da;lka Sacuudiga

Laba haween oo dalka u dhashay ayaa laga soo daayay xafiisyada shaqalaaha dalka Sacuudiga.
Mid ka mid ah haweenkaas Ms Elizabeth Sineno oo ku xayirneed AL Jouf Sakaka ayaa shala soo dirtay codkeeda iyada oo dalbaneyso ina la caawiyo.
Codkaasi ayaa haweeneydan waxay ka sheekeyneysa sidii rajadeedi mustaqbalka loo burburiyay,ka dib markii qofkii ay markii hore u shaqeyneysay uu ka iibiyay haweeney kale oo aan la shaacin magaceeda.
Gabadhas ayaa waxay sheegtay in haweneyda loo geeyay ay six un ula dhaqantay intii ay u shaqeyneysay.
Mr Mbarrak Randu, oo ka soo jeeda Ismamaulka Kilifi balse ku nool magalada Jeddah ayaa sheegay in mid ka mid ah qarabada Ms.Sineno uu la soo hadlay si xaaladeeda uu ula socdo.
Mr.Randu ayaa xaqiijiyay in haweeneydan la soo daayay ,xaaladeeda caafimaadna ay wanagsantahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here