Laba ka mid ah saraakiisha maareynaya imtixaanka KCPE oo la xiray

Ciidamada booliska ee ismaamulka Kirinyaga ayaa lagu soo warramayaa inay magaalada Kerugoya ku xireen maamule dugsi iyo sarkaal loo xilsaaray inuu kormeer ku sameeyo imtixaanka qaran ee fasalka sideedaad ee dugsiga hoose dhexe , KCPE-da oo shalay guud ahaan wadanka ka billowday.
Labadan qof ayaa lagu eedeyay inay eryeen mid ka mid ah ardayda imtixaanka sameynaya.
Agaasimaha waxbarashada ee ismaamulka Kirinyaga Cabdikarim Xassan Cali ayaa sheegay in falkaasi aan loo dulqaadan karin.
Waxaa uu sheegay in ila iyo hadda aan la ogaan sababta keentay in labadaasi mas’uul ay ardayga ka hor istaagaan inuu imtixaanka sameeyo.
Taliyaha booliska ee Kirinyaga ,Leah Kithei ayaa sheegay in eedeysanayaasha ay hadda ku jiraan saldhigga booliska.
Waxaa uu intaasi ku daray in waaxda dambi baarista ay kiiskaasi baaritaano ku hayso.
Shalay ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha uu ka digay in xaafadda loo diro arday imtixaan u fariisanaya iyadoo laga dalbanayo inuu bixiyo lacagta isdiiwaangelinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here