Laba ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka oo ka soo horjeestay amar dhawaan ka soo baxay abaanduulaha booliska

Laba ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka dalka ayaa dhaliilay amar uu dhawaan soo saaray abaanduulaha booliska Mr. Hilary Mutyambai kaasi oo ku aaddanaa liiska mas’uuliyiinta la doonayo in wadada loo banneeyo ama aan lagu dhibaateynin marka ay baabuurtooda marayaan.
Mas’uuliyiintan ayaa ah kuwa lagu tilmaamo VIP oo loola jeedo dadka aadka u muhiimsan ama si gaar ah loo sharfo.
Mudanayaasha ayaa hoosta ka xariiqay in amarkan uunan ahayn mid la dhaqangalin karo maadaama sharciga taraafikada uunan ku qotomin.
Xildhibaanka deegaanka Makueni Dan Maanzo iyo Godfrey Osotsi oo si magacaabid ah ku galay baarlamaanka ayaa sheegay in Mr .Mutyambai, abaanduulaha booliska uu ka tallaabsaday wajibaadkiisa.
Liiska Mr .Mutyambai ee VIPS-ka waxaa ka mid ah madaxweynaha , ku xigeenkiisa, marwada koobaad , madaxa cadaaladda, xeer ilaaliyaha guud, wasiirada gaashaandhigga , arrimaha gudaha , maaliyadda iyo arrimaha dibadda.
Waxaa sido kale ku jiro hoggaamiyaasha aqlabiyadda baarlamaanka iyo aqalka sare, guddoomiyaashooda, taliyaha guud ee ciidamada difaaca iyo mas’uuliyiin kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here