Laba qof oo ka bogsaday cudurka Covid19

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa shaacisay in ilaa iyo hadda laba qof oo ka mid ahaa 59 ruux kuwaasoo laga helay cudurka Covid19 ee loo yaqaano Coronavirus ay bogsadeen.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa dhanka kale shacabka u xaqiijiyay in xanuunka lagu daaweyn karo gudaha wadanka.
Arrintan ayuu sheegay xilli uu qaab muuqaal ah kula hadlayay labada qof ee ka soo kabtay cudurka kaddib daryeel caafimaad oo ay heleen.
Mr. Kenyatta ayaa shakhsiyaadkan ku boogaadiyay tallaabada geesinimada leh ee ay qaadeen maadaama xilli hore ay isa soo saareen taasoo keentay in xaaladooda si fudud lagula tacaalo.
Dhanka kale wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa ku dhawaaqay in maqaaxida Maanzoni ee ismaamulka Machakos lagu karantiilaya 720 dhalinyaro ah oo halkaas kulan ku yeeshay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here