Laba qof oo ku dhimatay shil ka dhacay ismaamulka Homa Bay

Ilaa laba qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen shil ka dhacay xarunta ganacsiga Ringa ee deegaanka Rachuonyo ee ismaamulka Homa Bay.
Tani ayaa timid kaddib markii ay isku dhaceen mooto iyo mid ka mid ah baabuurta xamuulka.
Gadiidkan ayaa xilligaas marayay wadada Oyugis Ahero.
Labada qof ee dhintay ayaa kala ahaa wadihii dhugdhugleyda iyo rakaabkii uu waday .
Qofka mootada kaxeynayay ayaa magaciisa lagu sheegay Kevin Omondi oo 20 sano jir ah, halka rakaabkii uu waday lagu magacaabi jiray Sophie Anyango.
Rakaab kale oo saarnaa dhugdhugleyda ayaa si xun ugu dhaawacmay shilkaasi waxaana loola cararay isbitaalka ku yalla koonfurta Rachuonyo si loogu daweeyo.
Darawalkii waday gaariga xamulka ayaa la qabtay waxaana lagu xiray saldhigga booliska Oriwo halka gaarigiisa la geeyay xarunta booliiska.
Taliyaha booliska ee deegaanka Rachuonyo Charles Barasa ayaa sheegay inay baarayaan arrintan si loo hubiyo waxaana uu sheegay in darawalka gaariga xamulka tallaabo munaasab ah laga qaadi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here