Laba qof oo la qabtay iyagoo doonaya inay khaad ka dhoofiyaan dalka

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa qoraal ay soo dhigtay baraheeda rasmiga ee Twittarka iyo Facebook-ga ku sheegtay in gacanta lagu dhigay laba eedeysanayaal.
Waxaa labadan qof magacyadooda lagu kala sheegay Barre Aadan iyo Cismaan Maxamad.
Waxaa lagu qabtay garoonka caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi xilli ay doonayeen inay u safraan dalka dibadiisa.
Barre Aadan ayay ciidamada ammaanka sheegeen inuu laba boorso oo uu watay ku qariyay 20 kiilogaraam oo khaad ah halka cisman isna uu qariyay 5 kiilogaraam oo khaad ah.
Waxaa lagu soo oogi doonaa dacwad ku saabsan inay doonayeen inay si xatooyo ah dalka badeeco uga dhoofiyaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here