Laba qof oo loo qabtay inay soo dhigeen barta Facebook in Dr Fred Matiang’I la daalla dhacayo COVID-19

Booliska ayaa waxay soo qabteen laba qof oo lagu tuhunsanyahay inay soo dhigeen barta Facebook-ga qoraal ay sheegen in wasiirka arrimaha gudaha Dr.Fred Matiang’I uu haleelay xanuunka COVID-19 kuna jiro qaybta lagulka tacaalo bukaanada xaaladooda liidata ee ICU-da.
Labadan qof oo lagu kala magacaabo Emmanuel Kimutai Kosgei oo 31-sano jir iyo 19-sano la dhashay oo lagu magacaabo Isaac Kibet Yego, ayaa shalay waxaa deeganka Ngeria ee Ismaamulka Uasin Gishu ku qabtay saraakisha waaxda dembi baarista.
Booliska ayaa waxay shegeen in todobaadka dambe maxkamad la soo taagi doono.
Sida ay sheegeen waaxda DCI-da booliska waxay heleen telefoonka gacanta iyo Laptop oo lala xiriirnayo inay u adeegsadeen qoraalka ay Facebooka-ga soo dhigeen.
Dr. Matiang’i ayaa jimcadii waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya inuu ku dhacay xanuunka COVID-19 asaga oo sheegay inay dadkaasi faafinay ay yihiin kuwa doonaya inay wadada saxda ka leexiyaan.
Matiang’i waxa uu sheegay inuu dacwad u gudbiyay waaxda booliska si ay baaritaan ugu smaeeyaan arrintaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here