Labo qof oo loo su’aalay qandaraaskii been abuurka ahaa ee lala xiriirinayay Rashid Echesa

Waxaa xabsiga loo taxaabay labo mas’uul kuwaas oo agaasimayaal ka ah shirkad ka hawl gasha dalka, waxaana looga shakiyay inay qeeyb ka ahaayeen fadeexadii la doonayay in lagu lunsado 40-ka bilyan ee shilinka dalka.
Labadan shaqsi ayaa xabsiga loo taxaabay gelinkii dambe ee shaley iyadoo waaxda dambi baarista dalka ay sii xoojisay baaritaanada ku aadan fadeexadani.
Labadan qof ee lasoo qabtay ayaa lagu kala magacaabaa Mr. Chrispine Odour Odipo iyo Ms. Doreen Naomi Ratemo waxaa ayna ku sugnaayeen dhismaha Plaza 2000 agagaarka wadada Mombasa Road ee magaaladatani Nairobi.
Waxaa ay agaasimayaal ka yihiin shirkada Pzel company Limited iyaga oo lagu eedeeyay inay dowr muhiim ah ka ciyaareen fadeexadani.
Labo nin oo ajaanib ah oo lagu kala magacaabo Mr. Mustafa Mamdough iyo Mr. Stanley Kozlowski, oo la sheegay inay heshiiska been abuurka ah la galeen wasiirkii hore ee cayaaraha Rashid Echesa ayaa baarayaasha u sheegay in shirkadan Pzel ay dalbatay 11.5 milyan oo shilinka dalka ah si loo fuliyo mashruucani.
Arrintan ayaa imanaysaa iyadoo madaxweyne ku xigeenka dalka Wiliam Ruto uu shir la yeelanayo shaqaalaha ka hawl gala xafiiskiisa Harambee Annex iyo xaafadiisa Karen si looga sal gaaro fadeexadan taas oo xafiiskiisa soo gaartay.
Toddobo kamid ah shaqaalaha ka hawl gala xafiiska madaxweyne kuxigeenka dalka ayaa horay waxaa su’aalo u weeydiyay waaxda dambi baarista dalka.
Mr. Echesa ayaa iska fogeeyay eedeymo loo soo jeediyay oo ay ka mid ahayd inuu farsameeyay dokumeentiyo loo adeegsaday bixinta qandaraas waxba kama jiraan ah.
Waxaa uu beeniyay inuu ku lug lahaa qandaraaska oo la xiriira hub sharci darro ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here