Lacagaha barnaamijka Kazi Mtaani oo la bixinaya

Wasaaradda guriyeynta iyo nidaaminta magaalooyinka ayaa sheegtay in laga billaabo maanta oo khamiis ah la soo saaraya lacagaha loogu tala-galay dhalinyarada qeybta ka ah barnaamijka Kazi Mtaani.
Qaar ka mid ah da’yarta ayaa helaya lacagahii loo ballanqaaday.
Barnaamijkan oo laga fulinayo guud ahaan wadanka ayaa waxaa ka faaiidaysanaya in ka badan 270,000 oo dhalinyaro ah.
Ujeedka laga leeyahay ayaa ah in la muujiyo bilicda deegaanada iyadoo dhanka kale da’yarta laga fududeynaya culeyska dhaqaale ee uu la yimid cudurka COVID19.
Lacagaha la bixinaya waxaa warbaahinta u xaqiijiyay xoghayaha wasaaradda guriyeynta Charles Hinga .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here