Lacago lagu soo rogay dadka galaya madaarada deegaanada Galmudug

Maamulka Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamaeeb Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaay lacag kusoo rogeen dadka Galaya si kasto haku galaane garoonka diyaaradaha Magaaladaas.
Lacagta oo qiimaheeda lagu sheegay 10 Dollar ayaa laga doonayaa inuu bixiyo qof kasta oo galaya irida garoonka diyaaradaha ha ahaadaan dadka garoonka u taga soo dhoweynta dadka soo dagaya, sagootinta dadka dhoofaya.
Dadka laga doonaya inay bixiyaan lacagta ayaa waxaay marayaan laamaha Amniga Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb, balse qofka wata tikid lagama doonayo wax lacag ah sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Maamulka Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamaeeb.
Sidoo kale Waxaa Talaabo tan la mid ah qaaday Maamulka Garoonka Diyaaradaha degmada Guriceel ee isla gobolka Galgaduud waxayna u sababeeyeen arimo la xiriira amaanka iyo isku dhexyaac Mararka qaarkood ka dhasha dadka Faraha badan ee Garoonka ayagoon ka dhoofayn ama ka soo dagayn gudaha u gala.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here