Lamaane iyo canug ay dhaleyn oo gurigoodaay ku soo dumay

Hal qof ayaa dhintay markii Lamaane iyo wiil ay dhaleyn uu hoyigoodii ku soo dumay iydoona wiilka uu dhintay.
Arrinta ayaa sababtay dhul go’a kadib markii roobaab mahiigaan ah ay ka da’een deegaan katirsan ismaamulka Taita-Taveta.
Ernest Mwasi, oo 40 sano jir ahna aabaha wiilka , Renine Mwasi, oo 27 ahna hooyada wiilka iyo Rendon 11-jir ahna canuga dhintay ayaa wada hurdayay xiligii musiibada dhaceysay .
Lamaanaha iyo gabar oo ay dhaleyn oo 3 sano jir ayaa ka badbaaday musiibadaan iyadoona gabadha yar ay ayeeyded la joogtay xiligii arrintaan dhacday.
Bishii hore ee deseembar ee sanaadkii tagay ayey ahayd markii wiil 11 jir ah iyo nin 36 jir ee dhinteyn kadib markii dhul go’a kan lamid oo ka dhacay ismaamulka Taita Taveta.
Ninka dhintay ayaa la sheegay in uu ku hoyan jiray dukaan uu lahaa balse uu ku soo dumay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here