M-PESA Foundation oo qalabka looga badbaado corona u qeybisay 7 ismaamul

Hay’adda Mpesa Foundation oo kaashanaysa ururka dhakhaatiirta dalka iyo maamulka daawooyinka ayaa agabka ay saraakiisha caafimaadka adeegsadaan si ay kaga badbaadaan cudurka COVID19 ee PPEs u qaybisay ismaamulo ay ka mid yihiin Kiambu, Busia iyo Migori .
Barnaamijkan ayaa ku kacaya lacag dhan 20 milyan oo shilin.
Agaasimaha guud ee Mpesa Foundation Les Baillie ayaa sheegay inay mudnaanta koowaad siinayaan badbaadinta dhakhaatiirta.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in sarakiisha caafimaadka ay safka hore kaga jiraan la tacaalidda cudurka sidaas awgeedna ay mudan yihiin in tixgelin gaar ah la siiyo.
M-PESA Foundation ayaa sido kale agabkan muhiimka ah u qaybisay howladeenada caafimaadka ee ismaamullada Nairobi, Machakos, Kwale , Kilifi, Meru, Kajiado, Baringo, Uasin Gishu, Narok, Nakuru iyo Mombasa .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here