Ma aaminsan tahay in liinta,malabka iyo sanjabiisha ay daaweeyna Corona?wasaaradda caafimadka ayaa ka hadashay

Wasaaradda Caafimaadka ee dalka ayaa maanta bulshada kenyaanka ah u cadeysay in liinta,sanjabiisha iyo malambka aysan daaweyneyn cudurka halista ah ee Corona Virus.
Waxay sheegeen bahda caafimaadka ee dalka in liinta ,malambka iyo sanjabiisha ay u fiican yihiin jirka bani’aadamka balse ay daaweyn Karin fyruska COVID-19.
Tan ayaa timid iyadoo ay sare u kaceen qiimaha malabka ,liinta,iyo sanjabiisha si ay ganacsatadu ugu faa’idaystaan dadka aaminsan in waxyaabahaas ay daaweeyaan xanuunka Corona .
Ku simaha agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka dalka Dr. Patrick Amoth ayaa maanta u cadeeyay kenyaanka in malabka,liinta iyo sanjabiisha ay ka hortag u noqon Karin caabuqa aduunka dhan aafeeyay.
Waxaa uu yiri liinta,malabka,iyo sanjabiisha ay wanaagsan yihiin waxaana laga hela nafaqo balse fariinta aan u sheegayno bulshada waxay tahay in COVID-19 uusan lahayn wax daawo ah.
Lagama joojin doono Kenyaanka inay isticmaalaan liinta,malabka iyo sanjabiisha balse xaqiiqda ma ahan daaweynta Fyruska Corona.
Dad badan ayaa aaminsan in waxyaabahaas ay daawo u yihiin cudurkaan hadda jiro .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here