Ma ogtahay in ciyaaryahan Mohamed Salah uu soo maray tababar milatari

Mohamed Salah ayaa door weyn ka cayaaray isbedelka naadiga Liverpool tan iyo markii kooxda uu ku soo biiray 22-kii bishii June ee 2017-kii.
Salah ayaa wacdaro dhigay xilli cayaareedkiisii ugu horreeyay ee Premier League-gga, waxa uuna shabaqa ku hubsaday 32-gool, taasi oo ka dhigtay in uu noqdo cayaaryahankii ugu goolasha badnaa markaasi.
Balse sannadkii 2014-kii ayaa waxaa soo ifbaxay warar sheegaya in Salah uusan dhameysan tababarka milatariga ee dalka Masar, sidaa darteedna dib loogu celin doono xerada milatariga si uu soo dhameeysto tababarka.
Nasiib wanaag, 26 jirkaan ayaanan ku laaban dalkiisa kadib markii arrintiisa uu soo dhex-galay ra’sal-wasaaraha Masar oo sidaasi lagu xaliyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here