Maalinka ciidamada KDF oo la xusayo

Waxaa maanta la xusayaa maalinka loogu magacdaray KDF day oo la soo bandhigo sida ciidamada difaaca dalka ay uga go’antahay badbaadinta wadanka.
Xaflad arrinkan ku aaddan ayaa lagu qabanayaa deegaanka Langata waxaana ka qeyb galaysa wasiiradda arrimaha gaashaandhigga ee dalka Raychelle Omamo.
Waaxda KDF ayaa sheegtay in dabbaaldeggan uu muujinayo sida dowladda gaar ahaan wasaaradda difaaca ay u garab taagan tahay ciidamada iyo qoysaskooda.
Xuska ayaa ka mid ah munaasabadaha la xariira daryeelka ay saraakiisha difaaca helaan iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka soo gaaro marka ay howlahooda shaqo gudanayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here