Maalinka ka hortaga Musuqmaasuqa oo Muqdisho laga xusayo.

Maanta oo kale sagaalka bisha December waxaa sanadkasta aduunka laga xusaa Maalinka Caalamiga ah ee la dagaalanka musuqmaasuqa,waxayna Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ka mid tahay magaalooyinka caalamka ee laga xusayo maalinkaas caalamiga ah.
Ergayka gaar ka ah ee QM u qaabilsan arimaha dalka Soomaaliya James Swane ayaa dhankiisa warqad xafiiskiisa ka soo baxday wuxuu ku sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay hormarka Nidaamka dowliga ah uu dalka Soomaaliya ka gaaray.
Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka socota munaasabadda xuska 16aad ee maalinta caalamiga ah ee la dagaalanka Musuq-Maasuqa oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka ah Soomaaliya.
Munaasabadda xuska 16aad ee maalinta caalamiga ah ee la dagaalanka Musuq-Maasuqa ayaa waxaa ka qeyb-galaya wasiirka cadaaladda,hanti Dhowraha guud ee Qaranka, masuuliyiin kale oo dowlada ka tirsan iyo qeybaha bulshada ku nool Magaalada muqdisho.
Munaasabadda ayaa waxaa khudbado kala duwna ka jeedinaya mas’uuliyiinta ka qeyb-galeysa,waxaana ay ka hadlayaan sida dowladda Soomaaliya u wajaheyso la-dagaalanka musuq maasuqa,ayadoo dhanka kalena ay jiraan dadaalo ay dowladu wado oo la xiriira falalka hantida dadweynaha looga Macaashayo sidoo kalena lagula Xisaabtamayo shaqsiyaadka bulshada u shaqaynaya.
Gudoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi C/laahi iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxay dalka Qatar kaga qaybgalayaan shirka Baarlamaaka aduunka oo looga hadlayo ka hortaga falalka Musuqmaasuqa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here