Maalinka qaran ee halyeeyada oo la xusayo

Waxaa maanta magaalada Mombasa ee gobolka xeebta lagu qabanaya dabbaaldegga maalinka qaran ee halyeeyada dalka.
Xuskan ayaa sannad kasta la qabtaa 20-ka bisha Tobnaad ee Oktoobar oo maanta ku beegan .
Waxaa loo yaqaanaa Mashujaa Day iyadoo madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu dabbaaldeggan Kenyaanka ku hoggaaminayo.
Mr. Kenyatta ayaa la filayaa inuu fagaaraha Mama Ngina ka jeediyo khudbad dhinacyo badan taabanaysa.
Waxaa la xasuustaa nolosha halyeeyadii kaalin weyn ka soo qaatay una soo halgamay xornimada dalka.
Ammaanka Mombasa ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana dabbaaldegga ka qeyb galaya orodyahaanka Eliudo Kipchoge oo sannadkan ku guulaystay orotan qaatay 2 saacadood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here