Maalqabeenada Mareykanka markay xabsiga galaan maxay sameeyaan?

Qareenki hore ee madaxweyne Trump Former Michael Cohen iyo shaqsiyaad kale ayaa laga yaabaa in dhawaan sharciga la horgeeyo qaarkoodna ay xabsi muteystaan.
Dadka maalqabeenka ah marka ay xabsiyada galaan waxay xabsi ugu dhex noolaadaan si ka duwan maxaabiista kale ee la xidhan.
Waxayna inta badan qabsadaan Khubaro kala taliso sida ay xabsiga ula qabsan lahaayeen iyaga oo si wanagsan ugala talinaya sida ay u wajahayaan noolasha.
Martha Stewart, Bernie Madoff, Ciyaaryahanka NFL Michael Vick, Plaxico Burress, jilayaasha Teresa Guiudice iyo Abby Lee Miller, ayaa ka mid ah dadka xabsiyada ku jira oo malqabeenka ah kuwaasi oo ay la taliyaan khubaro iyaga oo loo soo marayo nidaamka caddaaladda.
Waxayna khubaradu shaqsiyaadkaasi kala talinayaan guud ahaan marxaladda dacwadda ilaa iyo xukunka qofka uu ku dhaco, dib u eegista dacwadda, racfaan qaadashada iwm…
Waxayna dadka maalqabeenka ah ee xabsiyada ku jira ay fursad u helaan saqde dhexe marka la marayo iney qoysaskooda teleefan kula hadlaan.
Adeegyada la talinta maxbuusta hantiilayaasha ah waxay ku bixiyaan kharsh gaaraya $100,000 oo doolar (£75,000 oo gini).
Haddaba dadkan maxaabiista lacgta leh ee xabsiga gudahiisa la talinta iyo tababarrdaba ku siiyo maxay qabtaan?
Larry Levine oo ka mid ah la taliyeyaasha arrimaha xabsiga ayaa wuxuu sheegay “Mar haddii aaad xabsi gasho waxaad waayeysaa inad noolashaada maareyso.”
“Qof marka uu heshiis la talin ila galo, waxaan qofkaasi ka caawinayaa sidi ay wax uga ogaan lahayeen xuquuqaha ay xabsiga ku dhex leeyihiin iyo waxa la gudboon iney sameeyaan si ay noolashooda u hantaan inta ay xabsiga ku jiraan”.
Mr Levine oo sanda badan ganacsi ku soo jiray, wuxuu sida oo kale la taliyenimo ula soo shaqeeyey xabsiyo kala duwan oo ku yaalla dalka Mareykanka.
Jilayaasha kala ah Felicity Huffman iyo Lori Loughlin oo ka soo jeeda qoysas maalqabeen ah waxaa loo haystaa iney sameeyeen shirqool ay carruurtooda ugu xadayeen imtixaanaadka iyo iney shahaadooyin been abuur ah ay la soo shaqa tageen.
Qaar ka mid ah khubarada maxaabiista la taliso oo ay BBC-da la xiriirtay waxay u sheegeen iney qareennada maxaabiista ay kalsoni badan ku qabin, ayna awoodin iney wax weliba sida ay u dhacayaan ay kuugu sharraxayaan waxayna ahmiyadda siiyaan iney dhibbanah heshiis la galaan halka la rabay iney xoogga saraan sidi dacwadda loo laali lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here