Maalqabeenka Ali Punjani oo doonayo inan la xirin marka uu dalka Yimaado

Maal qabeenka Ismamaulka Mombasa Ali Punjani, oo booliska ay raadinayaan maadama lagu eedeynayo ka ganacsiga iyo dhoofinta daroogada ayaa maxkamada sare u gudbiyay maanta codsi uu ku doonayo in ana la xirin marka uu dalka imaado.
Mr Punjani, oo dalka ka maqan ayaa codsigan u mariyay maxkamada qarenkiisa Jared Magolo.
Maal qabeenka ayaa waxa la dhigay isbitalka Asian Heart Institute ee dalka Hindiya horantii bishii anu ka soo gudubnay halkaasi oo qaliin dhanka wadanaha ah loogu sameeyay.
Waxa uu qorshuhu ahaa inuu dalka imaado todobadkii tagay balse ma uusan iman.
Booliska magalada Mombasa ayaa waxay sheegen in Mr.Ali la qaban doono deedna su’aalo la weydiin doono marka uu imaado dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here