Maamul goboleedkii ugu horeeyay oo soo dhaweeyay sharciga Saxaafada Soomaaliya

Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa noqday maamulkii ugu horeeyay ee soo dhaweeyay xeerka Saxaafadda Soomaaliya oo uu Saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,isla markaana shalay ay soo bandhigtay Wasaaradda Warfaafinta,dhaqanka iyo Dalxiiska dowlada fedraalka Soomaaliya.
Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle oo warbahainta la hadlay ayaa sheegay inaysan Galmudug qayb ka ahayn Xeerka Saxaafadda Qaranka, hadana ay diyaar u tahay inaysan marna mucaaradin oo ay soo dhaweyneyso meelmarinta sharcigaan.
Wasiirka warfaafinta Maamulka Galmudug Axned Shire Falagle oo la hadlay Idaacadda Voa-da waxaa uu sheegay in maadaama duruufo dhowr ah ay jiraan muhiimna ay tahay in la helo sharci ay ku Shaqeeyaan bahda Saxaafada Soomaaliyeed ay taageerayaan Xeerka la ansixiyay,isla markaana ay u arkaan howl la qabtay oo loo baahnaaa.
Shalay ayay aheyd markii Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska dowlada Fedraalka Soomaaliya lagu soo bandhigay Xeerka Saxaafadda qaranka ,waxaana maamulkii ugu horeeyay ee kasoo horjeestay uu noqday Maamulka Puntland, halka ay cabasho ka qabaan Urrurada Saxaafadda Soomaaliya oo sheegay inay ku jiraan sahrcigaan qodobo badan oo ay ku arkaan kuwo lagu dhibaataynayo bahda warbaahinta Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here