Maamulada Galmudug iyo Puntland oo Amniga Gaalkacyo amaro ka soo saaray.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa ka dhaxay Kulan u dhexeeyay Maamulada Puntland iyo Galmudug waxaana looga hadlay xal ka gaarida Falalka Amaan darada ah eek u soo lalaabta magaalada Gaalkacyo iyo deegaanada Hoos yimaada.
Kulankaan ayaa waxaa ka qeybgalay laba wafdi oo ay kala hogaaminayeen Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Puntland Maxamed C/raxmaan Dhabancad waxaana looga arinsaday sida ugu haboon ee labada Maamul ay isaga kaashan karaan xasiloonida Magaalada Gaalkacyo iyo Guud ahaan Gobolka Mudug oo ka mid ah meelaha inta badan ay falalka amaniga lidiga ku ah ka dhacaan.
Kulanka ayaa intiisa badan waxaa looga hadlay dilalkii iyo qaraxyadii ugu danbeeyay ee ka dhacay Magaalada Gaalkacyo kuwaasoo lala beegsaday mas’uuliyiin ka tirsan Puntland,isla markaana si wadajir ah looga wada Shaqeyn lahaa sugida Amniga Magaaladaasi.
Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa balan qaaday in Galmudug ay Puntland kala Shaqeyneyso Amniga Magaalada Gaalkacyo iyo ka hortaga weerarada ay fuliyaan Ururka Al-Shabaab.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Puntland Maxamed C/raxmaan Dhabancad ayaa dhankiisa sheegay in Puntland ay dhankeeda balan qaadeyso in Galmudug ay kala Shaqeyso sugida Amniga Guud ahaan Gobolka iyo la dagaalanka Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro ka geysta Magaalada Gaalkacyo iyo deegaano kale oo gobolka ka tirsan.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa dhowr jeer waxaa ka dhacay weeraro kala duwan,waxaana 17-kii Bishan Waqooyiga Magaaladasi qarax ismiidaamin ahaa lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Mudug ee maamulka Puntland  AUN Axmed Muuse Nuur sidoo kale waxaa deegaan ku yaala duleedka Koonfureed ee Magaalada Gaalkacyo mudo todobaadyo ah ka taagaan iska hor imaadyo qaarkood u dhexeeyay maleeshiyo isku deegaanka qaarna Maleeshiyo kale iyo ciidamada Dowlada ee halkaasi ku sugan wallow arbacadii shalay ahayd Masuuliyiinta Maamulka Galmudug ay sheegeen inay si buuxda ula wareegeen baraha Kontoroolada Koonfueed ee Magaalada Gaalkacyo halkaasoo Markii hore ay Maleeshiyaad gacanta ku hayeeen.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here