Maamulada Galmudug iyo Puntland oo Gaalkacyo amaro ka Hirgaliyay

Guddoomiyeyaasha Gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug Axmed Muuse Nuur iyo Cabdiraxmaan Cali Diiriye oo shir wadajir ku qabtay Magalada Gaalkacyo ayaa si wadajir u sheegay in xaalad deg deg ah la galiyay magaalada Gaalkacyo.
Amarkan la xiriira xaalad deg deg oo ku soo kororta Galmudug iyo Puntland maadaama la xaqiijiyay Kiis cusub oo Covid 19 ah, bandawgaan ayaa saameynaya goobaha la isugu yimaado inkastoo aan faahfaahin laga bixin, iyadoo ujeedadana ay tahay si looga fagaado cudurka COVID 19 inay Bulshada isku gudbiso.
Gudoomiyeyaasha ayaa Shirkooda Waxay ku sheegeen in Magalada Gaalkacyo bandow lagu soo rogayo laga doonayo inay shacabku u hogaansamaan amarada ka soo baxay Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland ayna fulinayaan Maamulka Gobolka Mudug.
Xalay ayaa la sheegay in amarkaasi uu sirasmi ah uga dhaqan galay Guud ahaan Waqooyiga iyo Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here