DHAGEYSO:Maamulada Soomaaliya oo eedaymo loo jeediyay

Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil ( Xaliimo Yareey) ayaa ku eedeeysay Madaxda Maamul goboleedyada Soomaaliya inay ku xad-gudbeen heshiis horay loo gaaray, isla markaana ay xaqireen doorka haweenka ay ku leeyihiin siyaasadda wadanka.
Qoraal ay Xaliimo yareey soo dhigtay Barteeda Twitter-ka ayaa waxaay ku sheegtay in guddiyada Doorashooyinka & Xalinta khilaafaadka ay soo Magacaabeen Maamul d goboleedyada aysan wax door ah ka siin haweenka marka laga reebo Puntland, waxaana ay baaq u dirtay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Dhamaan Shanta Maamul Goboleed ee kajira dalka Soomaaliya ayaa soo gudbiyay xubnaha Guddiyada doorashada & xalinta khilaafaadka ku matalaya doorashooyinka soo socda ee Soomaaliya,waxaana min hal xubin oo haween ah ku daray Xubnahaas Maamulada Puntland & Hir-Shabeelle halka Maamulada kale ay rag ka wada dhigeen Xubmaha ay soo Magacaabeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here