Maamulaha cusub ee waaxda NYS oo la dhaariyay

Agaasimaha guud ee waaxda qaran ee adeegga dhalinyarada(NYS) Matilda Sakwa ayaa xilkeeda loo dhaariyay.
Dhaarinta ayaa ka dhacday madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa Ms Sakwa ka dalbaday inay ka dhabeyso isbeddelada la doonayo ee dhanka waxqabadka.
Waxaa uu kula dardaarmay inay dib u soo celiso sumcaddii ay waaxdan lahayd ee dhanka horumarka oo ayna diiradda saarto sidii ay u sameyn lahayd isbeddel ballaaran.
Waxaa uu u sheegay in arrintan ugu muhiimsan ee waaxdan laga doonayo inay qabato ay tahay sidii dhalinyarada ay ku heli lahayeen xirfado anfaca oo ay ku shaqeysan karaan sido kalena dalkooda ugu adeegi karaan.
Madaxweynaha ayaa haweeneydan u hambalyeeyay isagoo xusay inuu ku kalsoonyahay oo uu rumeysanyahay inay si buuxda uga soo bixi karto xilka ay la wareegtay.
Waaxda qaran ee adeegga dhalinyarada ee NYS ayaa waxaa horay saameyn ugu yeeshay falal lagu lunsaday lacagaha dadweynaha .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here