Maamulayaasha dugsiyada dowladda oo sheegay inaysan haysan lacag ay ku mareeyeen iskuullada

Maamulayaasha dugsiyada dowladda ayaa doonaya in wasaaradda waxabarashada ay waalidiinta ku amarto inay bixiyaan lacagta dugsiyada lagu dhigto ee loo yaqaano fiiska ee caruurtooda oo toddobaad ka hor qaar ka mid fasallada dib ugu laabtay.
Waxaa ay sheegeen in inta badan ardayda aysan bixin lacagta xilli dugsiyeedka labaad oo dhawaan biloowday.
Maamulayaasha dugsiyada sare oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in iskuulada badankoodu aysan awood u lahayn inay maareeyaan ardayda dhigata xarumaha waxbarashada maadaama ay soo wajahday dhaqaale xumo.
Guddoomiyaha ururka maamulayaasha dugsiyada sare ee dalka ee (Kessha) Kahi Indimul ayaa xusay in iskuuladu ay ku tiirsan yihiin lacagaha fiiska ee ardayda bixiyaan.
Waxaa uu intaa ku daray in maamulayaashu ay wajahayaan wakhtiyo adag maxaa yeelay lacag la’aan lama quudin kara ardayda gaar ahaan kuwa dhigta dugsiyada jiifka ama boodhinka.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada Prof. George Magoha ayaa toddobaadkii hore faray madaxda dugsiyada in ay ardayda u oggolaadaan inay dib ugu soo laabtaan goobahooda waxbarasho iyadoo aan laga qaadin fiiga dugsiyada.
Wasiirka ayaa dhanka kale maamulayaasha dugsiyada jiifka ama boodhinka ka codsaday inay xaqiijiyaan in ardayda laga dirin iskuulka sababo la xiriira lacagta fiiska kuwa sida gaarka loo leeyahay ama kuwa dowliga ah labaduba.
Hasa ahaate madaxda goobaha waxbarasho ayaa sheegaya in waalidiinta ay ka faa’iideysteen amarka wasiirka oo ah in ardayda dugsiyada laga dirin.
Guddoomiyaha ururka maamulayaasha dugsiyada sare ee dalka Kahi Indimul ayaa dhanka kale carabka ku dhuftay in waalidiinta ay ka soo baxaan waajibaadka saaran oo ay carruurtooda ka bixiyaan fiiska xilli-dugsiyeedka labaad.
Waxaa uu intaa ku daray in waalidiinta ay ka warqabaan in looga baahan yahay inay bixiyaan dhaqaale lagu mareeya qarashaadka ku baxo howlaha tacliinta ee ardayda dhigta dugsiyada boodhinka halka kuwa maalinlaha laga doonaya in bixiyaan lacagaha qadadooda.
Waxaa uu shaaca ka qaaday in ardayda qaar aysan dhameystirin fiiskii xilli dugsiyeedkii koowaad ka hor inta aan la xirin goobaha waxbarashada bishii Maarso ee sannadkan si looga hortagga faafitaanka cudurka Coronavirus taasi oo sababtay in iskuulada deyn farabadan lagu yeeshay.
Dowladda ay soo saartay lacag gaareysa 14.4 bilyan oo shilinka dalka iyadoo 13.2 bilyan oo shilin lagu maalgelinaya dugsiyada sare ee dowliiga ah halka 1.2 bilyan oo shilin loo qoondeeyay dugsiyada hoose dhexe.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here