Maamulayaasha dugsiyada sare oo dalabaad hor leh soo saaray

Ururka ay ku mideysanyihiin maamulayaasha dugsiyada sare ee dalka ee (KESSHA) ayaa golaha imtixaanada qaran ee KNEC ugu baaqay in imtixaan gaar ah u diyaariyo ardayda isbitaallada la dhigo marka maadooyinka kala duwan la sameynayo.
Guddoomiyaha ururkan Kahi Indimuli ayaa arrin caddaalad darro ah ku tilmaamay in sida uu hadalka u dhigay ardayda lagu qasbo inuu imtixaan sameeyo isagoo xarun caafimaad ku jiro.
Waxaa uu ku doodaya in tani ay kaalin ka qaadanayso natiijo hooseysa oo ay ardayda helaan.
Mas’uulkan ayaa soo jeedinaya in si gaar ah loogu daneeyo gabdhaha uurka qaada iyagoo imtixaan qaran u fariisanaya.
Hadalkan ayuu ka jeediyay shirweynaha sannadlaha ee ururka macallimiinta ee (KUPPET) oo ka qabsoomay ismaamulka Kitui.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here