Maamulayaasha dugsiyada sare oo uu berri shir uga furmayo Mombasa

Waxaa berri oo isniin ah la filaya inuu ismaamulka Mombasa ee gobolka xeebta ka furmo shir ay yeelanayaan in ka badan 9,000 oo ah maamulayaasha dugsiyada sare ee guud ahaan dalka.
Kulanka ayaa la qorsheeyay inuu socdo muddo hal isbuuc ah waxaana diiradda lagu saaraya barnaamijka dowladda ee ardayda dhameeyay dugsiyada hoose dhexe ay boqolkiiba boqol ugu biirayaan dugsiyada sare.
Maamulayaasha ayaa fursad u heli doono inay soo bandhigaan waxyaabaha xaqiiqda ku saleysan ee la xariira heliilidda waxbarasho taya leh.
Shirka waxaa sido kale ka qeyb galaya saraakiil sar sare oo ka tirsan wasaaradda tacliinta oo uu hoggaaminayo wasiirka tacliinta ee dalka Prof. George Magoha.
Madaxa fulinta ee guddiga adeegga macallimiinta ee TSC Mrs. Nancy Macharia iyo mas’uuliyiinta ururada qaran ee barayaasha dalka ayaa sido kale lagu wadaa inay kulankaasi isugu tagaan.
Dhanka kale dowladda ayaa loogu baaqay inay lacago ku filan u qoondeyso dugsiyada si ay ugu adeegsadaan mashaariicda dhinaca kaabayaasha sida dhisidda fasalo dheeraad ah.
Sido kale waxaa loo baahan yahay in la shaqaleysiiyo barayaal dheeraad ah si loogu guulaysto qorshaha dowladda ee ah inay sare u kacdo tirada ardayda ee ku biiraya dugsiyada sare.
Qodobka kale ee weli lagu muransanyahay ayaa ah dhaqangalinta manhajka cusub ee waxbarashada halka macallimiinta qaar ay ka soo horjeedaan adeegsiga hannaanka lagu keydiyo macluumaadka waxbarashada ee NEMIS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here