Maamule ku xigeenka Jaamacadda Masai Mara iyo eedeysanayaal kale oo maxkamadda la soo taagay

Waxaa maanta maxkamadda Nakuru ka soo hormuuqday maamule ku xigeenka jaamacadda Masai Mara iyo eedeysanayaal kale oo lala xiriiriyay fadeexad lacago lagu lunsaday.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii gaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Mr. Nuurdiin Xaaji uu amaray in xabsiga loo taxaabo ku xigeenka maamulaha Jaamacadda Masai Mara Mary Walingo iyo afar shakhsi oo kale.
Shakhsiyaadkan ayaa loo haystaa inay lunsadeen 177 milyan oo shilin oo si aan habbooneyn loogala baxay akoonka bangiyeed ee Jaamacadda.
Mr. Xaaji ayaa sheegay inay jiraan caddeymo wax ku ool ah oo loo adeegsan karo eedeymaha ka dhanka ah mas’uuliyiintan.
Eedeysanayaasha kale ayaa ah gacan yaraha maamule ku xigeenka Jaamacadda ee qaabilsan maamulka , maaliyadda iyo qorsheynta Simon Kasaine ole Sano , John Almadi Obere ( madaxa culuunta iyo daryeelka ardayda , Anaclet Biket Okumu oo qaabilsan arrimaha maaliyadda iyo darawalka Prof Walingo Nuur Xasan Cabdi .
Waxay dhammaan iska fogeeyeen eedeymaha loo soo jeediyay ee ah inay iska kaashadeen xatooyada kheyraadka jaamacadda Masai Mara.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here