Maamulka Caasimada Soomaaliya oo soo saaray Amar ku socda Ganacsatada

Guddoomiye kuxigenka Arrimaha Bulshada Maamulka gobolka Banaadir Basma Caamir Jakeeti ayaa faah faahisay howlgalo lagu burburiyay goobo ganacsi oo ay Xalay ka sameeyeen hareeraha agagaarka laamiga Isgoyska Soobe ee Caasimada Muqdisho.
Basma Caamir Jakeeti ayaa sheegtay inuusan marnaba maamulka Gobolka Banaadir ogolaan doonin in lagu ganacsado hareeraha wadooyinka,isla markaana dadka looga baahan yahay inay tagaan Suuqyada waaweyn ee Magaalada Muqdisho ku yaala halkaasna ay ganacsiyadooda ku sii wataan.

Howlgalkii xalay Waaxda Nadaafada Gobolka Banaadir ay ku burbiyeen Miisaska Haweenka Hilbka ku iibin jireen si ay nolol maalmeedka Qoyskooda uga raadiyaan ayaa waxaa ka dhashay fal celin dhinaca Bulshada ah,iyadoo Shacabka badi ay sheegeen in Maamulka uu tallaabadaasi ku deg degay.
Qaar ka mid ah shacabkii laga burburiyay goobihii ay ku ganacsanayay ayaa cabasho muujiyaya waxayna baaq u direen madaxda Sare ee dowlada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here