DHAGEYSO:Maamulka Caasimadda Galmudug oo amarro soo saaray.

Maamulka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamul goboleedka Galmudug ayaa waxaay soo saareen Amaro ku socda Shacabka magaaladaas ku nool oo la xiriira dhanka Amniga iyo horaminta arimaha bulshada.
Guddoomiye kuxigeenka dhanka Amniga iyo Siyaasada ee Maamulka Magaalada Dhuusamareeb Cabdi Xaashi ayaa sheegay in lagu amrayo dadka ku nool Magaalada in qof walba Gurigiisa hortiisa uu ku Xiro leyr ama Nal si aaga u dhow ilinka gurigiisa ay iftiin u noqoto qaybna uga qaadato sugida amaanka iyo bilic soo celinta.
Amarkaan ayaa shacabka ku nool Magaalada dhuusamareeb waxaa laga doonayaa inay ku fuliyaan inta ka dhiman bishan, cidii amarkaas fulin waydana Wuxuxuu Maamulku sheegay inay la kulmi doontaa ganaax iyo xabsi.
Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaay kamid tahay degmooyinka ugu amniga wanaagsan degaannada Galmudug, waxaana bilihii la soo dhaafay ay marti gelisay shirar dhowr ah oo laga soo saaray go’aano kala duwan oo dhamaantood Masiiri ah sida go’aamadii ugu danbeeyay ee laga soo saaray shirkii dhawaan ay Magaaladaas ay ku yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada.

Dhanka kale shacabka Magaalada Dhuusamareeb ku nool ayaa sheegay inay dhibaato ku qabaan isticmaal la’aanta Lacagta shilinka Soomaaliga ee deegaanada Maamulka Galmudug.
Dhamaan Magaalada Dhuusamareeb iyo deegaanada kale ee Galmuudg ayay shacabku sheegeen inaysan shilin Soomaali adeegsan ugu Yaraan shan Sano.

C/Ladiif C/laahi wasiirka Ganacsiga ee Maamulka Galmudug ayaa sharaxaya caqabada isaga u muuqata ee la xiriirta isticmaalka Lacagta dollarka ee deegaanada Maamulka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here