Maamulka canshuuraha dalka oo shaqo joojin ku sameeyay 75 ka mid ah howlwadeenadiisa

48

Maamulka dowladda dhexe u qaabilsan aruurinta iyo maaraynta canshuuraha ee KRA ayaa shaqada ka istaajiyay 75 sarkaal oo lagu eedeyay inay fududeyeen canshuuro aan la bixin.
Sido kale howlwadeenada ayaa loo haystaa ku lug lahaanshaha musuqmaasuqa gaar ahaan laaluush qaadasho.
Habdhaqamada aan wanaagsanayn ee ay saraakiishan ku kaceen waxaa ka mid ah bixinta shahaadooyin sharci darro ah oo muujinaya in qofku ama shiirkaddu ay canshuur bixiso.
Maamulka KRA ayaa intaasi ku daray in 62 ka mid ah shaqaalaha la eryay ay ka howlgalayeen ismaamulka Nairobi .
Baaritaanada ka dhanka ah ayaa socday afartii bilood ee ugu dambeeyay halka su’aalo la weydiin doono ka hor inta aan bishan gudaheeda maxkamadda la soo taagin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here