Maamulka degmada Qansaxdheere oo faahfaahin ka bixiyay Diyaarad halkaas lagu rasaaseeyay

sawir diyaarad

Kadib markii Diyaarad sidday sahay gargaar oo ka soo anbabaxday Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya lagu rasaaseeyey degmada Qansaxdheere ee Gobolka baay xilli ay doonayso inay halkaasi ku degto ayaa waxaa Faahfaahin ka bixiyay sida ay wax u dhaceen masuuliyiinta degmada Qansaxdheere ee gobolka Bay.
Diyaaradda ayaa waxaa ku dhacay rasaas fudud, waxaana shilkan uu dhacay wax yar ka hor markii diyaarada ay u dhawaatay Garoonka diyaaradaha degmada Qansaxhdeere oo ay ku sugan yihiin Ciidamo isugu jira Itoobyaan iyo Soomaali.
Wararku waxay sheegayaan in diyaaraddu ay markii dambe kasoo kacday Qansaxdheere isla markaana ay kusoo laabatay Magaalada Muqdisho,waxaana Diyaaradda ay Qansaxdheere gaysay gargaarka nafaqada leh oo loo waday dumarka iyo carruurta halkaasi ku nool.
Guddoomiyaha degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay Cabdirisaaq Cabdi Ibraahim oo la hadlayay Idaacada VOA-da ayaa sheegay in diyaaradda oo jawi hoose ku duuleysay ay rasaas ku fureen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab,isla markaana rasaasta ay ka halyeeshay garbka iyo qeybta dambe ee diyaaradda.
Waxaa uu sheegay in diyaaradda ay siday gargaar una rarneyd hay’adda cunada aduunka ee WFP,isla markaana ay si nabad ah ku degtay Garoonka degmada Qansaxdheere dibna ugu soo laabatay Magaalada muqdisho ee ay markii horeba ka baxday.
Ugu dambeyntii gudoomiyaha degmada Qansaxdheer waxaa uu sheegay inay ku raadjoogaan dadkii ka dambeeyay rasaasaynta diyaaradaas,isla markaana Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay wadaan howlgallo ay ku doonayaan inay kusoo qabtaan dadkii falkaasi ka dambeeyay oo markii hore uu sheegay inay ciidamada aad u carsadeen ayna geeyeen deegaanka lagu magacaabo Koronbood oo u dhexeeya Qansaxdheere iyo deegaanka Xabaalbarbaar.

Bishan horraanteedii ayey ahayd markii diyaarad kale ay ku dhacday degmada Bardaale ee isla gobolka Bay taasoo ay ku dhinteen lix qof,waxaana Mas’uuliyiinta maamulka waxaana haatan socda baaritaanka la xiriira sababta ay diyaaradaas oo ayaduna gargaar Daawo ah siday u soo dhacday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here