Maamulka Galmudug oo ka hadlay warar xalay la isla dhexmaray oo ku saabsan Al Shabaab

Warar xalay fiidkii la isla dhex qaaday ayaa lagu sheegay in caasimadda galmudug iyo deegaanka ceeldheere inta u dhaxeeysa ay waddada ka galeen dagaalyahano la sheegay in ay ka tirsan yihiin ururka alshabaab
Dad saarnaa gaadiidka waddadaasi xalay isticmaalay waxaa ay sheegeen in alshabaab ay ku arkeen inta u dhaxeeysa dhuusamareeb iyo ceeldheere oo isu jiraa ilaa 27km.
Mar qura ayaa laga war helay dagaalyahanada ururkaas ee jidgooyada sameeyey, waxaana inta badan istaagay baabuurtii isaga kala gooshi jirtay guriceel iyo dhuusamareeb
Bashiir maxamed salaad bashiir sanka oo ah afhayeenka maamulka caasimadda galmudug ayaa idaacadda starfm u sheegay in wararkaasi ay yihiin dacaayad laga faafinayo deegaanka aysanna jirin awood ururkaasi hadda ay ku imaan karaan waddadaasi sida uu hadalka u dhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here