Maamulka gobolka Banaadir oo buufiyay Suuqa Bakaaraha

Waaxda Caafimaadka iyo Gurmadka Deg-dega ee Dowlada Hoose ee Xamar ayaa xalay howlo buufin ah oo looga hortagayo Cudurka safmareenka ah ee Karoona ka sameeyay qeybo ka mid ah suuqa dalka Soomaaliya ugu weyna ee Bakaaro ee Magaalada Muqdisho,
Gadiidka gurmadka deg dega ee Dowladda Hoose ayaa ka qeyb-qaadanay howlaha lagu buunayo suuqa iyagoo adeegsanayay booyado biyo ah oo ay ku jiraan suntan disha jeermiska waxaayna ka sameeyeen qeybo banadan uu ka mid ah Suuqa bakaraha.
Guddoomiye Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Axmed Xasan Iimaan iyo Guddoomiye Ku xigeenka Howlaha Guud Cumar Cali Cabdi ayaa kormeeray shaqada buufinta ah ee Howlwadeenada Waaxda Caafimaad iyo Gurmadka Deg-dega ee Dowlada Hoose ee Xamar halkaasi ka fulinayeen taasoo qayb ka ah qorshaha ka hortaga Caabuqa Corona ee Caasimadda.
Axmed Xasan Iimaan Guddoomiye Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banaadir ayaa sheegay in horey loo soo buufiyay goobo muhiim u ah shacabka oo isu-socodka iyo ganacsiyada ku badan, hadana la soo gaaray Suuqa Bakaaraha oo shacabka Muqdisho ay si weyn uga dukaameystaan wuxuuna xusay in la gaari doono qeybaha kale ee Caasimadda si loo sii wado ka hortaga COVID19 ee aduunka dhan halakeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here