Maamulka gobolka Banaadir oo howlo Nadaafadeed ka Sameeyay wadooyinka Muqdisho.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa waddooyinka caasimadda ka fuliyey Olole nadaafadeed oo dib loogu Soo celinayo Bilicda Caasimada ee Maamulka Gobolku uu fulinayo.
Goobaha oo maamulka Caasimadu ka sameeyay howlaha nadaafada waxaa ka mid ah wadada Ceel-qalow iyo agagarka Xarunta Tababrka Ciidanka Booliska Soomalaiyeed ee Generaalk kaahiye.
Agaasimaha guud ee bilic Soo celinta iyo nadaafada Maamulka gobolka Banaadir Sharmaarke Cadow Tuuryare ayaa faahfaahin ka bixiyay howlahaha nadaafadeed ee Maamulka Gobolku uu ka wado wadooyinka Caasimada Muqdisho.

Dhanka kale qaar ka mid ah dadka ku ganacsada agagaarka Dekeda Magaalada Muqdisho ayaa waxay maanta halkaas ka dhigeen dibadbax cabasho ah oo ay kaga caqabayeen dhibaatooyin ay sheegeen inay wajahayaan.
Banaanbaxa dadkaan ganacsatada ahaa ayaa ka danbeeyay markii ay Ciidamada Booliska Soomaaliya burburiyeen goobo Ganacsi oo halkaas ku yaalay.
Dadkaan ayaa isugu jiray kuwo qaad gado,kuwo shidaal gada iyo dadk kale oo irida hore hore ee dekada Muqdisho ku lahaa goobo ganacsi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here