DHAGEYSO:Maamulka gobolka Banaadir oo ka hadlay amaanka Imtixaanka Qaran.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa faahfaahin ka bixiyay Ammaanka goobaha Ardayda Soomaaliyeed ee kunool Magaalada Muqdisho ay Sanadkaan ku gali doonaan Imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiyada Sare.
Gudoomiye ku xigeenka Arrimaha bulshadda Maamulka Gobolka Banaadir Basma Caamir Shakeeti oo warbaahinta kula hadashay Magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixisay meelaha uu ka dhici doono imtixaanka iyo qorshaha maamulka Gobolka ee ah dhamaystirka adeegyada ay u baahan yihiin ardayda Imtixaanka Samaynaya iyo sidoo kale sugida amaanka goobaha uu Imtixaanku ka dhaxayo.
Gudoomiye Basma ayaa sheegtay in dhowr xarumood oo kala duwan lagu gali doono Imtixaanka siddii horayba u dhici jirtay Sanadihii ugu dambeyay,maamulka gobolka Banaadirna ay diyaariyeen Gaadiidka Gurmadka deg deg ah iyo 1600 Askari oo sugi doona Ammaanka goobaha lagu galaayo Imtixaanka qararna ee Sanadkaan.

Bari oo Sabti Taariikhduna ay ku beegan tahay 11 bisha shanad ee May ayaa lagu wadaa in ardayda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa bartamaha iyo koofnurta ee dhameeyay Dusiyada Sare ay u afariistaan Imtixaanka Shahaadiga ah ee dudsiyada sare sida ay horay u shaacisay wasaarada waxbarashada Soomaaliya ayadoo qorshuhuna yahay in inuu imtixaanku Socdo mudo shan maalmood ah oo la soo gabagabeeyay Maalinka Jimcaha ee bishu tahay 15-ka hadii eebo ogolaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here