Maamulka gobolka Banaadir oo ka hadlay Qarax ka dhacay Muqdisho.

Masuuliyiinta maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxay faahfaahin ka bixiyeen Qarax Maana ka dhacay Magaalada Muqdisho oo uu ay ku yeeriyoodeen labo qof sida ay xaqiijisay dowlada Hoose ee Xamar.
Qaraxaan ayaa waxaa uu ka dhacay Wadada marta dhabarka dambe ee Barxada Iskaashatooyinka oo ku dhow Guriga Hooyooyinka ee degmada Xamarweyne Magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in Gaarigiisa loogu xiray Sarkaal ka tirsan Maamulka gobolka Banaadir,isla markaana xilli uu marayay dhabarka dambe ee Iskaashatooyinka uu ku qarxay qaarigiisii uuna halkaas ku dhintay.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan oo Goobta tegay ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku geeriyoodeen Sarkaalka gaariga lahaa oo lagu Magacaabi jiray C/Shakuur Xuseen Cabdi Dhicisow (Jaabiri) iyo qof kale oo la socday halka uu ku dhaawacmay askari ilaalo u ahaa.
Sidoo kale Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir waxaa uu ku baaqay in qof walba uu ka taxadaro halka uu dhiganayo gaarigiisa si aan qarax loogu xirin,sidoo kalena Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayuu sheegay inay wadaan feejignaan amni oo ay uga hortagayaan weerarada Al-Shabaab ay ka gaysanayaan Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale wararka ka imaanaya isla magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa sheegaya in Rag hubeysan ay Barqanimadii Maanta xaafada Suuqa Bacaad ee degmada Yaaqshiid ku dileen Nabadoon Caanka ahaa Degmadaasi iyo mid kamid ah ilaaladiisa,iyaga oo dilka kadibna goobta ka baxsaday.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in Nabadoonka oo lagu Magacaabi jiray Ugaas Xuseen Maxamed Daa’uud iyo Mahad Maxamud Cadow (Mahad Uunsow) oo kamid ahaa ilaaladiisa la dilay xilli ay fadhiyeen Maqaaxi laga Cabo Shaaha oo ku taalla Suuqa Caanaha Agagaarka Masaajidka Xaaji Cabdi Indhooy ee Xaafada Suuq Bacaad degmada Yaaqshid ee Magaalada Muqdisho.
Dilka kadib Ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa gaaray goobta dilka uu ka dhacay, iyagoo halkaasi ka sameeyay howlgal lagu baadi goobayay dadkii ka dambeeyay dilkaas labadaasi qof.
Maamulka degmada Yaaqshiid ee Gobolkan Banaadir weli wax faah faahin ah kama bixin dilka Maanta ka dhacay Xaafada kamid ah degmadaas,waxaana weli jirin cid sheegatay mas’uuliyada dilkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here