Maamulka gobolka Banaadir oo ka hadlay qarixii Muqdisho ka dhacay.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa faah faahin ka bixiyey khasaaraha Guud ee ka dhashay qarixii Maanta ka dhacay Bar-Koontorool oo laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya.
Qaraxaan ayaa ka dhacay meel waxyar u jirta Isgoyska Sayidka ee Magalada Muqdisho oo aan sidaas kaga fogayn madaxtooyada Soomaaliya.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan Dheere ayaa sheegay in qaruxu ahaa mid loo adeegsaday Gaari lagu soo dhejiyey waxyaabaha qarxa balse uusan aheyn mid laga soo buuxiyey,hayeeshee ma uusan shaacin qofka watay Gaarigaasi qarxay.
Afhayeenka maamulka Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho Saalax Dheere Wuxuu sheegay in xilliga gariga uu qarxayey uu ku jira safka baarista,isla markaana ay ku geeriyoodeen Saddex ruux Lix kalena ay ku dhaawacmeen.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxaas,iyaga oo sheegay inay khasaaro ku gaarsiiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda federaalka,sidoo kalena uu sababay burbur hantiyadeed.
Balse afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay inaysan jirin Masuuliyiin ka tirsan dowlada oo qaraxaas wax ku noqotay wallow baaritaanadu ay wali socdaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here