Maamulka Gobolka Banaadir oo la wareegay Maaraynta Imtixaanka Fasalka Sideedaad

Waxaa maanta Xarunta Wasaarada Waxbarashada Hidaha iyo tacliinta sare ee Dowlada Soomaaliya ka dhacay kulan gaar ah oo u dhaxeeyay madaxda Wasaarada Waxbarashada iyo maamulka gobolka Banaadir kaasoo ujeedkiisu ahaa shaacinta gudiga diyaarinta xiliga kala guurka Waxbarashada gobolka Banaadir ee ay caasimada Muqdisho ka tirsan tahay.
Gudigaan ayaa ka kooban 8-Xubnood oo 4-kamid ah yihiin Wasaarada waxbarashada halka afarta kale ay yihiin maamulka gobolka Banaadir waxaana laga doonayaa inay 3-bilood ee soo socota ka shaqeeyaan da’dajinta sidii Wasaarada Waxbarashadu ay ugu soo wareejin laheyd shaqooyinka waxbarashada la xiriira Maamulka gobolka Banaadir iyo sidoo kale tayeynta xafiiska Waxbarashada gobolka Banaadir.
War-Saxaafadeed laga soo saarey kulanka ayaa waxaa lagu sheegay in Intii uu kulanka socday la isku fahmay in Gobolka Banaadir uu la wareego qaadista imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiyada gobolka Banaadir oo sanad dugsiyeeskan ugu horeeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here