Maamulka gobolka Banaadir oo sheegay inay qaadayaan talaabooyin ka dhan ah amaanka.

Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir ee Caasimada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in degmooyin kamid ah kuwa Galbeed ee Gobolkan Banaadir ay ka socdaan howlgallo Amniga lagu xaqiijinayo,sidoo kalena looga hortagayo falal amni darro oo ay halkaas fuliyaan dagaalameyaasha Al-Shabaab.
Waxaa uu Tilmaamay in dhowr jeer degmooyinka Galbeed ee gobolka Banaadir laga soo tuuray hoobiyeyaal lagu weeraray Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho,hayeeshee Maamulka Gobolka Banaadir iyo laamaha Amniga ay u diyaarsan yihiin inay weeraradaas ka hortagaan talaabana ka qaadan cidkasta oo amaanka carqaladaynaysa.
Sidoo kale waxaa uu Gudoomiye Tuulax intaasi ku daray in laamaaha amniga ee ka howlgala caasimada Muqdisho looga baahan yahay inay dardar geliyaan howlaha sugida Amniga,isla markaana ka hortagaan cid kasta oo lidi ku ah amniga,waxaana uu u mahad celiyay Ciidamada howlgallada ka wada Magaalada Muqdisho oo marar badan ka hortagay falal amaniga lidi ku ah sidoo kale gacanta ku dhigay shaqsiyaad ka shaqaynayo amaan darada.

Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax xilli ayaa hadalkaa sheegay xili xalay uu howlo kormeer amni ah ku tegay degmooyinka Galbeed ee Gobolkan Banaadir,sida Wadajir, Dharkeenleey iyo Kaxda oo dhamaantood ka wada Tirsan Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here