Maamulka Hir-Shabeelle oo bilaabay qorsho looga hortagayo fatahaadaha

Guddiga xalalka waara ee fatahaahada Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Maanta bilaabay dadaalada biyo leexinta Magaaladaasi.
Arrintan ayaa ku soo aadeysa xilli saacadihii ugu dambeeyay Wabiga Shabeelle uu Biyo xoogan keenay.
Xubnaha Guddiga ayaa waxaa ay caratuur ku bilaabeen goobaha ay biyaha kasoo burqadaan, iyaga oo ku wareejinayay si Wabiga Shabeelle uu u sameyn fatahaado sababa inay barakacaan bulshada Magaalada Beledweyne
Guddoomiyaha Guddiga xalalka Waaro ee fatahaahada Magaalada Beledweyne Sheekh Cismaan Dhagaxow ayaa sheegay inay wadaan dadaaladii ugu dambeeyay oo ay kaga hortagayaan fatahaad uu markale sameeyo Wabiga Shabeelle.
Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa labadii sano ee la soo dhaafay waxaa ka dhacay fatahaado sababay inay barakacaan boqolaal qoys, kuwaas oo dhibaatooyin kala duwan ay ku heystaan degaanka Ceel-jaale ee duleedka Beledweyne

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here