Maamulka Hirshabeelle oo Awaamiir duldhigay ganacsatada

Wasaaradda Ganacsiga ee maamul Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa ku amartey Ganacsatada ku nool deegaannada Maamulkaas inay muddo bil gudaheed ah isku soo diiwaangeliyaan dhamaantooda.
Wasiir kuxigeenka Ganacsiga Hir-Shabeelle Xildhibaan Maxamed Yuusuf Colow ayaa sheegay in Madaxda Wasaaradda Ganacsiga & Rugta Ganacsiga Gobolka Shabeellaha Dhexe ay yeesheen kulan looga hadlayay Arrimaha Ganacsiga.
Waxaa uu Xusay in,iyadoo la tixraacayo Ansixintii Xubnaha Baarlamaanka Sharciga Sumadaha & Shatiyada oo Wasaaradda wax badan ka xayirayey ay soo saareen ammarada ay ka mid yihiin Inay isasoo diiwaangeliyaan muddo Bil Gudaheed ah dhamaan Ganacsatada kala duwan ee deegaannada Hir-Shabeelle.
Inay isasoo diiwaangeliyaan Shirkadaha gaarka loo leeyahay si loola socodsiiyo isbedelka Ganacsi ee jira, Dhamaan Shirkadaha Isgaarsiinta & kuwa Xawaaladaha ee ku yaalla deegaannada Hir-Shabeelle iyagana waxaa lagu amrey inay isasoo diwaan geliyaan hadii kale la xiri doono.
Sidoo kale Amaradaan ayuu sheegay inay ku socdaan dhamaan Ganacsatada deegaannada Gobolka Shabeellaha Dhexe,isla markaana Ganacsadihii aan is diiwaangelin lagala laaban doono shatiyada Ganacsiga ee uu hesytaan.
Ugu dambeyn wuxuu sheegay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Ganacsiga Hir-Shabeelle inay fulinayaan Amar kasoo baxay Madaxda Sare ee Maamulka Hir-Shabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here