Maamulka Hirshabeelle oo baaq ka Soo saaray Fatahaada Wabiga Shabeelle.

Madaxweyne ku xigeenka Maamul goboleedka hir-Shabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa ugu baaqay Hay’adaha Gargaarka Shacabka Soomaaliyeed & Madaxda Dowladda dhexe inay ka qeyb qaataan dadaalka loogu jiro ka hortagga fatahaahada degaannada Maamulkaas uu ka gaysanayo Wabiga Shabeelle.
Cali Guudlaawe oo ku sugan Magaalada muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa sheegay in degaanno iyo degmooyin badan oo ku yaalla Gobolada Hiiraan & Shabeellaha Dhexe uu Wabiga ka fatahay,sida Beledweyne, Mahadaay, Balcad iyo degmooyin kale.
Madaxda Sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu si gaar ah ugu baaqay inay isha ku hayaan xaaladaha fatahaadaha ee degaannada Maamulka Hir-Shabeelle oo si joogta ah u soo noqnoqday sanadkasta.
Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kamid ah meelaha sida weyn ay u saameeyeen fatahaada Wabiga Shabeelle, iyadoo dadkii deganaa ay badi u barakaceen degaanka Ceel-jaale ee duleedka Beledweyne,waxaana shalay Magaalada Beledweyne laga bilaabay qorsho looga hortagayo fatahaadaha soo laab laabtay ee Magaaladaas uu Wabigu ka gaysto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here